WARARKA MAANTA

Kulan ka tirsan koobka General Daa’uud oo galabta la ciyaari doono

Kooxaha Jazeera & MCC ayaa galabta wada ciyaari doono kulan ka tirsan wareegga sideed dhammaadka tartanka kubbadda cagta General Da’uud 2023.

Labada kooxood Jazeera & MCC kooxdii soo baxdo ayaa sugi doonto kooxaha Elman iyo Heegan oo beri ciyaari doono kooxdii soo adkaato.

Waxaana sii xigi doona oo Arbacada wada ciyaari doona Horseed iyo Dekadda, halka khamiista ay foodda isgelin doonaan kooxaha Waxool iyo Gaadiidka.

Haddaba halkaan hoose ka eeg qaabka loo ciyaari doono lugta hore ee siddeed dhammaadka koobka General Daa’uud:-

Jazeera vs MCC

Elman vs Heegan

Horseed vs Dekadda

Waxool vs Gaadiidka

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button