WARARKA MAANTA

Oradyahan Khadar Bashiir oo Soomaaliya ku matalay World Athletics Championships.

Tartankan ciyaaraha fudud ee Adduunka oo ah kan labaad ee ugu xiisaha badan ciyaaraha fudud marka laga soo tago tartanka Olympic-kada.

Waa tartankii ugu horreeyay uu ka qayb-galo ciyaaryahan Soomaaliyeed oo ah tartan caalami ah lagu bixiyo bilada dahabka.

Cabdi Bille Cabdi ayaa horey ugu guulaystay orodka 1,500M ee tartankii ciyaaraha fudud ee Adduunka sanadkii 1988 ee ka dhacay magaalada Rome, halka Axmed Saalax oo u dhashay dalka Jabuuti uu ku guulaystay tartanka Marathon-ka Adduunka sanadkii 1988.

Haddaba, taariikhda uu sameeyay Cabdi Bile 1988-dii muddo kaddib waxaa dib u soo nooleeyay geesiyaal Soomaaliyeed oo wax ka beddel ku sameeyay ciyaaraha Orodka Adduunka, iyagoo matalaya dalal kala duwan.

Tartanka ciyaaraha Fudud ee Adduunka, oo matalaadda Qaranka Soomaaliyeed ee ka maqneed muddo 27 sano ah, waxaa ka qeyb-galay sanadkan Khadar Bashiir Yuusuf oo orday (42KM), orodka Maaratoonka isagoo matalaya qaranka Soomaaliya kaasoo lagu qabtay caasimada Hungary ee Budapest.

Dhinaca kale Orodyahanka lagu magacaabo Maxamed Ismaaciil (FATAX) oo ka-qayb galay tartanka Djabouti oo soo gaaray Finalka tartanka oradka ee 50,00M, ayaan guul ka keenin ciyaartii kama dambeysta tartanka

Liiska magacyada wiilasha soomaaliyeed ee ka qaybgalay tartankan MARATOON sanadkan waxaa kamid ah.

Cabdi Nageeye oo u orday dalka Holland
Khadar Bashiir oo u orday Soomaaliya
Ibraahim Xasan oo u tartamayay JABUUTI
Xasan WAISS oo u tartamayay JABUUTI

Oradka 50,00 Fiinaalkiisa waxaa ciyaaray
Maxamed Ismaaciil (Fataax) oo u tartamaya JABUUTI
Maxamed Axmed oo u tartamayay CANADA
Cabdixamiid NUR oo u tartamayay USA.

Wiilasha Soomaaliyeed ayaa muujiyay da’daal inkastoo aysan wax guul ah keenin.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button