WARARKA MAANTA

Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya oo maanta tababar u soo xiray 30 Macallin oo da’yar

Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa tababar soo gabagabeeyey macallimiin da’yar ah, tababarkan oo ahaa mid sare loogu qaadayey aqoonta macalimiintan ku soo biiraya inay maamulaan kubbadda cagta Soomaaliya.

Tababarkan waxaa ka qayb-galay 30-macalin oo horey u maray imtixaan, waxaana uu qayb ka yahay qorshaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya si loo hormariyo aqoonta iyo xirfadda macalimiinta hamiga sare ka leh inay maamulaan kooxaha kala duwan ee dalka.

Tababarkan oo heerkiisu ahaa Level one ayaa maanta loo soo xiray 30 macallin oo da’yar ah.

Waxaa tababarka bixinayay macalimiin ka tirsan waaxda farsamada xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya uu hor kacayo Agaasimaha farsamada Cawil Ismaaciil.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo goob-joog ahaa maanta ayaa shahadooyin guddoonsiiyey Macallimiinta tababarka loo soo xiray.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button