WARARKA MAANTA

Kooxaha Super Shel iyo Halgan oo galabta wada ciyaaraya tartanka Astaan Cup 2023 ee degmada Afgooye

Kooxaha Super Shel iyo Halgan ayaa galabta ku wada ciyaari doona garoonka Bariga dhexe ee degmada Afgooye tartanka Astaan Cup 2023.

Tartanka kubadda cagta Astaan Cup 2023 ayaa shalay si rasmi ah uga furmay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Waxaa xusid mudan in kulankii shalay daah-furka u ahaa tartankan oo ay wada icyaareen kooxaha Kalamanjara iyo Waxool uu ku soo dhammaaday barbaro goolal la’aan ah.

Kooxaha Super Shel iyo Halgan middii adkaata ayaa maanta heli doonta saddexda dhibcood ee ugu horreeya tartanka iyaga ayaana hoggaanka u qaban doona horyaalka.

Astaan Sports oo u taagan sare u qaadista ciyaaraha dalkeenna ayaa degmo iyo tuulo u tagaysa sidii ay u dhiiri-gelin lahayd dhallinta Soomaaliyeed, guud ahanna iyada ayaa soo tabinaysa tartankan magaceeda huwan oo ay taaba-gelinayso ee ka socda degmada Afgooye.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button