WARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxda MCC oo guul ka gaartay dhigooda Jazeera tartanka General Daa’uud 2023.

Kooxda MCC ayaa guul gaartay lugta koowaad wareegga sideed koobka kubbadda cagata General Daa’uud 2023, kaddib markii ay guul dirqi ah ka gaartay kooxda Jazeera kulan ka tirsanaa wareegga sideed dhammaadka.

Ciyaarta oo ahayd oo mid aad u adag ayaa qabtii koowaad lagu kala nastay 0-0 wallow labada dhinac ay sameeyeen fursado hase yeeshee kama faa’ideysan.

Qaybtii labaad ee ciyaarta kooxda MCC ayaa heshay goolka guusha dhammaadkii ciyaarta waxaana goolkaasi u dhaliyay ciyaaryahanka lambarka 9-aad daqiiqadii 87-aad ciyaarta, natiijada ayaana ku soo dhammaatay 1-0 oo ku adkaatay kooxd MCC.

Kooxda MCC ayaa ku filan barbaro lugta labaad ay la ciyaareyso kooxda Jazeera haddii ay sidaasi dhacdo waxay sugi doontaa kooxaha Horseed & Dekadaha kooxdii u soo gudubto wareegga afar dhammaadka koobka General Daa’uud 2023.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button