WARARKA MAANTA

SAWIRRO: Tartanka Kubadda cagta Astaan Cup 2023 oo ka furmay Afgooye

Tartanka kubadda cagta ee Astaan Cup ayaa shalay ka furmay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, waxaana tartankan uu yahay horyaalka heerka koowaad ee Afgooye.

Waxaa tartankan oo ay gabi ahaantiis ay taabagelinayso Astaan TV daaha ka rogay Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine).

Waa markii ugu horreysay taariikhda oo guddoomiye xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta uu tartan ka daah furo degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Waxaa nasiib u yeeshay in tartanka Astaan Cup ee Afgooye lagu daah-furo kooxaha Kalamanjara iyo Waxool, waxaana uu ku soo dhammaaday barbaro goolal la’aan 0-0 ah.

Labada kooxood ee Kalamanjara iyo Waxool ayaa sidaas ku yeeshay min hal dhibic, inkastoo aysan goolal iska dhalin kulankii ka dhacay garoonka Bariga dhexe ee degmada Afgooye.

Astaan Sports oo u taagan sare u qaadista ciyaaraha dalkeenna ayaa degmo iyo tuulo u tagaysa sidii ay u dhiiri-gelin lahayd dhallinta Soomaaliyeed.

SAWIRRO:

May be an image of 11 people, people playing football, people playing American football and text

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button