WARARKA MAANTA

Kooxaha Dayax iyo Shoori Star oo galabta wada ciyaaraya tartanka Astaan Cup 2023 ee Afgooye

Kooxaha Dayax iyo Shoori Star ayaa galabta ku wada ciyaari doona garoonka Bariga dhexe ee degmada Afgooye tartanka Astaan Cup 2023.

Tartanka kubadda cagta Astaan Cup 2023 ayaa si habsami leh uga socda degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, kaasoo tartanka horyaalka heerka koowaad ee Afgooye.

Waxaa tartankan oo ay gabi ahaantiis ay taabagelinayso Astaan TV ayaa galabta waxaa kulankii saddexaad wada dheeli doona kooxaha Dayax iyo Shoori Star.

Dayax iyo Shoori Star kooxdii adkaata ayaana maanta heli doonta saddexadii dhibcood ee ugu horreysay tartankan kaddib markii ay barbaro goolal la’aan ah soo galeen kulamadii hore kooxaha Halgan, Super Shel, Kalamanjara iyo Waxool.

Sidoo kale kulanka galabta u dhexeeya Dayax iyo Shoori Star ayaa noqon kara kulankii ugu horreeyey ee gool la dhaliyo tan iyo markii uu soo billowday tartankan Astaan Cup 2023 ee degmada Afgooye.

Weli wax gool ah la iskama dhalin waxaana kooxaha Halgan, Super Shel, Kalamanjara iyo Waxool ay wada leeyihiin min hal dhibic.

Astaan Sports oo u taagan sare u qaadista ciyaaraha dalkeenna ayaa degmo iyo tuulo u tagaysa sidii ay u dhiiri-gelin lahayd dhallinta Soomaaliyeed, waxa aan guud ahaan ka shaqeynaynaa tartankan xambaarsan magaceenna.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button