WARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxda Elman oo guul ka gaartay Heegan kulan ka tirsanaa General Daa’uud 2023

Kooxda kubbadda cagta Elman ayaa guul ka gaartay Heegan kulan ka tirsanaa lugta koowaad wareegga sideed dhammaadka tartanka kubbadda cagta General Daa’uud 2023.

Qaybtii koowaad labada kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar weerar iyo weerar celis ah waxaana lagu kala nastay  0-0.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad waxaa goolka guusha u dhaliyay kooxda Elman ciyaaryahanka lambarka 14-aad Cabdifitaax Geeseey oo ciyaarta beddel ku soo galabay.

Natiijada ciyaarta ayaana ku soo dhammaatay 1-0 oo ku adkaatay kooxda kooxda Elman.

Lugta labaad ee labada koox ayaa la ciyaari doonaa maalinta Axada oo taariikhda ku began tahay 02/19/2023, ciyaartaasi ayaa go’aamin doonto kooxda u gudbi doonto wareegga afar dhammaadka tartanka koobka kubbadda cagta General Daa’uud 2023.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button