SAWIRRO: Kooxda MCC oo u gudubtay wareegga afar dhammaadka General Daa’uud 2023.

Kooxda kubbadda cagta MCC ayaa iska xaadirisay wareegga afar dhammaadka tartanka kubbadda cagta General Daa’uud 2023, kaddib markii ay barbaro la gashay kooxda Jazeera.
Ciyaarta oo ahayd mid aad u adag labada dhinac ayaa soo bandhigay ciyaar awood ahaan garbo siman waxayna natiijada ku soo dhammaatay 4-4 taasoo ay ku soo baxday kooxda MCC maadaama lugtii koowaad ay 1-0 ay ku soo garaaceen kooxda Jazeera, celcelis ahaan kooxda MCC ayaa ku soo baxday 5-4 labada lug ay la ciyaareen kooxda Jazeera.
Kooxda MCC ayaa sugi doonto midkood kooxaha Horseed iyo Dekedaha kooxdii u soo gudubto wareegga afar dhammaadka, labada kooxood ayaa lugtii koowaad ciyaartooda ku soo dhammaatay 2-2 waxaana maalinta beri oo isniin ah ay ciyaari doonaan lugta labaad wareegga sideed dhammaadka tartanka kubbadda cagta General Daa’uud 2023.









