UncategorizedWARARKA MAANTA

Kooxaha Horseed & Dekedaha oo galabta wada ciyaari doono koobka General Daa’uud 2023.

Kooxaha Horseed & Dekedaha ayaa galabta wada ciyaari doono lugta labaad wareegga sideed dhammaadka tartanka kubbadda cagta General Daa’uud 2023.

Labada kooxood ayaa barbaro 2-2 ay ku soo dhammaatay lugtii koowaad wareegga sideed dhammaadka tartanka General Daa’uud 2023.

Waa mid kamid ah kulamada ugu adag General Daa’uud kooxdii adkaato ayaa u gudbi doonto wareegga afar dhammaadka tartanka iyadoo la ciyaari doonto kooxda MCC oo iska xaadirisay wareeegga afar dhammaadka kaddib markii ay ka reebeen koobka kooxda Jazeera.

Labada kooxood ma jiro ciyaartoy ka dhaawacan waxaana koox kasto ay ku jirtaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ka hor ciyaarta galabta ay ku wada ciyaari doonaan garoonka kubbadda cagta Eng-yariisow ee degmada Cabdicasiis.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button