WARARKA MAANTA
SAWIRRO: Kooxda Dekedaha oo u gudubtay afar dhammaadka tartanka General Daa’uud Cup.

Kooxda kubbadda cagta Dekedaha ayaa u gudubtay wareegga afar dhammaadka tartanka kubbadda cagta General Daa’uud 2023, kaddib markii gool-kulaadyo kaga adkaadeen kooxda Horseed.
Labada kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar qurux badan waxaana qaybtii koowaad lagu kala nastay 1-1 iyadoo labada dhinac ay abuureen fursado goolal noqon karay.
Qaybtii labaad ee ciyaarta wax gool ah la iskama dhalin, waxaana natiijada ciyaarta ay ku soo dhammaatay waqtigii loogu talagalay 1-1, iyadoo labada kooxood lagu kala saaray gool-kulaadyo waxaana 7-6 ku soo gudubtay kooxda Dekedaha.
Kooxda Dekedaha ayaa la ciyaari doonto kooxda MCC wareegga afar dhammaadka tartanka kubbadda cagta General Daa’uud 2023. waana ciyaar kale oo aad u adag.








