WARARKA MAANTA

Fiinaalka General Daa’uud Cup 2023 oo galabta la ciyaari doono

Galabta ayaa la ciyaari doonaa fiinaalka koobka kubbadda cagta General Daa’uud Cup 2023, iyadoo  kooxaha Elman & Dekedaha ay iskugu soo hareen kama dambeysta tartanka.

Kooxda Dekedaha ayaa sannadkii labaad soo gaartay fiinaalka koobka General Daa’uud Cup, waxaana wareegga sideed dhammaadka ay ku soo reebtay kooxda Horseed oo ka qaaday fiinaalka sannadkii hore sidoo kale waxay wareegga afar dhammaadka ay ku soo reebtay kooxda Gaadiidka.

Dhanka kale kooxda Elman SC oo markii ugu dambeysay ku guuleysatay koobka General Daa’uud Cup sannadkii 2017-dii ayaa wareegga afar dhammaadka ku soo reebtay kooxda Heegan uu macalin u yahay Cabdi Joon oo Elman u qaaday koobkan sannadkii 2017.

Labada kooxood ayaa ku jiro diyaar garowgii ugu dambeeyay ee kulanka fiinaalka galabta lagu ciyaari doono garoonka kubbadda cagta Eng-yariisow ee degmada Cabdicasiis iyadoo si toos ah ay Astaan Sports ay u soo tabin doonto ciyaartan xiisaha badan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button