SAWIRRO Kooxda Janaral Daa’uud oo gaartay guushii labaad tartanka k/cagta ciyaarytoyda Maqalka la’ 2023

Kooxda Janaral Daa’uud ayaa gaartay guushii labaad tartanka kubbadda cagta ciyaartoyda Maqalka la’ 2023 kaddib markii ay ka adkaadeen dhiggooda Xamarjadiid.
Kulankan oo ka tirsanaa Guruubka A labada kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar aad u qurux badan waxaana garoonka Macquul Stadium soo camiray taageerayaal aad u badan oo kala taageerayay labada kooxood.
Goolasha kooxda Janaral Daa’uud waxaa kala qaybsaday ciyaartoyda kala ah lambarka 4-aad Ilyaas cumar, lambarka 10-aad Kamaal cabdi iyo lambarka 6-aad Ridwaan Cali, waxaana natiijada kulanka ay ku soo dhammaatay 3-1 oo ku adkaatay kooxda Janaral Daa’uud.
Dhanka kale goolka ay dhaliyeen kooxda Xamarjadiid waxaa u saxiixay ciyaaryahankii lambarka 3-aad Axmed Xassan.
Guushan ay gaartay kooxda Janaral Daa’uud ayaa guushii labaad waxaana ay hoggaanka u hayaan Guruubka A iyagoo leh lix dhibcood, kulankoodii koowaad waxay soo garaaceen kooxda Buul-xubey.






