SAWIRRO Kooxda Shiirkole oo gaartay guushii koowaad tartanka k/cagta ciyaarytoyda Maqalka la’ 2023.

Kooxda Shiirkole ayaa gaartay guushii koowaad tartanka kubbadda cagta ciyaartoyda Maqalka la’ 2023 kaddib markii ay ka adkaadeen dhiggooda Sanco.
Kulankan oo ka tirsanaa Guruubka B labada kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar aad u qurux badan waxaana garoonka Macquul Stadium soo camiray taageerayaal aad u badan oo kala taageerayay labada kooxood.
Goolasha kooxda Shiirkole waxaa kala qaybsaday ciyaartoyda kala ah lambarka 3-aad C/qani Salaad Xirsi, lambarka 11-aad C/laahi Cismaan, lambarka 10-aad Bile Maxamed Cali oo dhaliyay labo gool, natiijada kulanka ay ku soo dhammaatay 3-1 oo ku adkaatay kooxda Janaral Daa’uud.
Dhanka kale goolka ay dhaliyeen kooxda Sanco waxaa u saxiixay ciyaaryahankii lambarka lambarka 7-aad C/laahi cabdi
Kooxda Shiirkole ayaa guuldarro kala kulantay kulankoodii koowaa kooxda Ceelasha Biyaha laakiin waxay guul gaareen kulankii labaad waxay haatan ku jiraan booska labaad ee Guruubka A iyagoo leh saddex dhibcood.
Dhanka kale kooxda Sanco ayaa la kulantay guuldaradii labaad heerka guruubka waxaana ay haatan ku jiraan kaalinta ugu dambeyso Guruubka B.






