WARARKA MAANTA

SAWIRRO Kooxda Shiirkole   oo gaartay guushii 3-aad tartanka k/cagta ciyaarytoyda Maqalka la’ 2023.

Kooxda Shiirkole ayaa gaartay guushii saddexaad  tartanka kubbadda cagta ciyaartoyda Maqalka la’ 2023 kaddib markii ay ka adkaatay kooxda Jaayga.

Kulankan oo ka tirsanaa Guruubka B labada kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar aad u qurux badan waxaana garoonka Macquul Stadium soo camiray taageerayaal aad u badan oo kala taageerayay labada kooxood, natiijada ciyaarta ayaana ku soo dhammaatay 7-5 oo ku adkaatay kooxda Shiirkole.

Kooxda Shiirkole ayaa ku soo baxday  kaalinta labaad Guruubka B iyagoo lah 6-dhibcood sidoo kale waxaa kaalinta koowaad ku soo baxday kooxda Ceelasha Biyaha oo adkaatay dhammaan kulamada guruubka.

Dhanka kale kooxda Jaayga ayaa isaga hartay tartanka ciyaartoyda Maqalka la’  kaddib markii ay ku dhammaysteen kaalinta 3-aad halka sidoo kale kooxda Sanco ay ku dhammaysatay kaalinta 4-aad tartanka kubbadda cagta ciyaartoyda Maqalka la’

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button