WARARKA MAANTA

Kulamo ka tirsan wareegga afar dhammaadka tartanka Ciyaartoyda Maqalka la’ oo galabta la ciyaari doono

Labo kulan oo ka tirsan wareegga afar dhammaadka  tartanka kubbadda cagta ciyaartoyda Maqalka la’ ayaa galabta lagu ciyaari doonaa garoonka Macquul Stadium ee degmada Cabdicasiis.

Kooxda General Daa’uud oo ku soo baxday kaalinta koowaad Guruubka A ayaa la ciyaareyso kooxda kaalinta labaad ku soo baxday Guruubka B ee Shiirkole kulankan ayaa la baasan doonaa 03:30 galabinimo halka kulanka labaad ee wada ciyaari doonaan kooxda Ceelasha Biyaha ee ku soo baxday kaalinta koowaad Guruubka B iyo kooxda Seybiyaano oo ku soo baxday kaalinta labaad Guruubka A.

Labada kooxdood ee u soo baxo fiinaalka tartanka ciyaartoyda Maqalka la’ ayaa wada ciyaari doono maalinta Axada oo taariikhda ku beegantahay 02/October 2023.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button