WARARKA MAANTA

SAWIRR0: Kooxda Ceelasha Biyaha oo gaartay fiinaalka tartanka ciyaartoyda Maqalka la’ 2023

Kooxda kubbadda cagta Ceelasha Biyaha ayaa iska xaadirisay fiinaalka tartanka kubbadda cagta ciyaartoyda Maqalka la’ 2023 kaddib markii ay gool-kulaadyo ku garaaceen kooxda Seybiyaano.

Kulankan oo ahaa mid aad u adag labada kooxdood ayaa muujiyay awoodooda ciyaarta waxaana ay isku mari waayeey 2-2 waqtigii loogu talagalay ciyaarta.

Si look ala saaro kooxaha Ceelasha Biyahay & Seybiyaano waxaa loo dhigay gool-kulaadyo waxaana 4-3 ku adkaatay kooxda Ceelasha Biyaha oo gaartay fiinaalka tartanka kubbadda cagta ciyaartoyda Maqalka la’ 2023.

Kooxda Ceelasha Biyaha ayaa la ciyaari doonto fiinaalka tartanka kooxda General Daa’uud oo ka soo adkaatay kooxda Shiirkole, fiinaalka tartanka ciyaartoyda Maqalka la’ 2023 ayaa la ciyaari doonaa maalinta Isniinta oo taariikhduna tahay 02/10/2023, garoonka Macquul ee degmada Cabdicasiis.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button