WARARKA MAANTA

SAWIRR0: Kooxda General Daa’uud  oo iska xaadirisay fiinaalka tartanka ciyaartoyda Maqalka la’ 2023

Kooxda kubbadda cagta General Daa’uud  ayaa gaartay fiinaalka tartanka kubbadda cagta ciyaartoyda Maqalka la’ 2023 kaddib markii ay gool-kulaadyo kaga adkaadeen kooxda Shiirkole kulan ka tirsanaa wareegga afar dhammaadka koobka kubbadda cagta ciyaartoyda Maqalka la’ 2023.

Kulankan oo ahaa mid aad u adag labada kooxdood ayaa soo bandhigay ciyaar aad u adag waxaan natiijada ciyaarta ay ku soo dhammaatay 2-2 waqtigii loogu talagalay kulanka.

Kooxaha General Daa’uud  & Shiirkole ayaa lagu kala saaray gool-kulaadyo  waxaana 5-4  ku adkaatay kooxda General Daa’uud  oo gaartay fiinaalka tartanka kubbadda cagta ciyaartoyda Maqalka la’ 2023.

Kooxda General Daa’uud  ayaa la ciyaari doonto fiinaalka tartanka kooxda Ceelasha Biyaha oo ka soo adkaatay kooxda Seybiyaano, fiinaalka tartanka ciyaartoyda Maqalka la’ 2023 ayaa la ciyaari doonaa maalinta Isniinta oo taariikhduna tahay 02/10/2023 garoonka Macquul ee degmada Cabdicasiis.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button