SAWIRRO: Tababaraha xulka qaranka Soomaaliya oo ku dhawaaqay liiska hordhaca ee xulka ku matali doonaa isreeb-reebka Koobka adduunka 2026

Tababaraha xulka Kubbadda cagta Soomaaliya ee Rachid Lousteque ayaa ku dhawaaqay liiska hordhaca ee xulka ku matali doonaa Isreeb-reebka Koobka adduunka 2026.
Isoo warbaahinta la hadlayay ayaa macallin Rachid waxa uu yiri: “Halkan waxaan u joognaa aniga iyo hawlwadeennada kale ee xulka shirka jaraa’id oo aan ku dhawaaqeyno saddex qodob oo muhiim ah oo ay ugu horreyso xulashada xiddigaha, liiska 35-ka ciyaartoy ee xulka kubadda cagta qaranka Soomaaliya ku matalo doonta isreeb-reebka koobka adduunka 2026 ee waddamada Afrika iyo qorshaheenna diyaargarowga ee ka qabsoomi doona Morocco Alle idinkiis.”
Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska 35-ka ciyaaryahan ee horudhaca ah oo lagu dhawaaqay:-
Xiddigaha laga xulay gudaha ayaa bartamaha todobaadkan u safri doona dalka Morocco halkaasoo ay diyaargarow ku sameyn doonaan oo ay kulamo saaxiibtinnimo ku ciyaari doonaan.
Arhamiyadda lagu soo xulay ciyaartoyda waa afar qodob oo kala ah:-
1- Xulashada koowaad waa ciyaartoyga tartami karta ee heerka sare jooga.
2- Tan labaad waa ciyaaryahannada ka dheela horyaalka heerka koowaad ama kan labaad ee dalka ee wacdaraha muujiyey.
3- Qodobka saddexaad waa ciyaartoyda gudaha dalka ka dheesha ee bandhigga sare la yimid labadii bilood ee ugu dambeysay tartammada kala duwan ee dalka.
4- Halka qodobka afaraad uu yahay da’yarta leh hibada sarreysa inay helaan fursad ay ku gutaan waajibaadka xulka qaranka.
Warbixin xiddigaha xulka qaranka ee lagu dhawaaqay.
SAWIRRO:











Astaan Sports