Premier LeagueSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Jamaal Xaashi Tuure oo noqday Soomaaligii ugu horreeyey ee loo tababaro ka mid noqoshada CAF General Coordinators

Ururka kubadda cagta qaaradda Afrika ee CAF ayaa tababar u soo xirtay GCs ka kala socday CECAFA iyo COSAFA, waxaana Jamaal Xaashi Tuure uu noqday Soomaaligii ugu horreeyey ee loo tababaro ka mid noqoshada CAF General Coordinators.

Tababarkan oo heerkiisu sarreeyay ayaa waxaa ka qeyb galayaasha lagu barayay maamulka cayaaraha caalamiga ah, waxaana Soomaaliya ay u tahay guul inay ka qeyb gasho tababarkan oo kale.

Jamaal Xaashi Tuure oo ka socday xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya ayaa ka qeyb galay tababarkan oo muddo labo maalmood ah ka socday Magaalada Johannesburg ee dalka South Africa, loona qabtay masuuliyiin ka kala socotay dalalka ku jira urur gobaleedyada COSAFA iyo CECAFA ee hoos taga ururka kubadda cagta Africa ee CAF.

Jamaal Xaashi Tuure ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee loo tababaro ka mid noqshada CAF General Coordinators, waxaana uu guddoomay shahaadadiisa noqdayna CAF General Coordinator.

SAWIRRO:

May be an image of 1 person and text that says "CAF GENERAL COORDINATORS WORKSHOP 2023 SOUTH AFRICA CAF GENERAL COORDINATORS WORKSHOP 2023 SOUTH AFRICA 8"

May be an image of 5 people and text

May be an image of 5 people and text

May be an image of 5 people and text

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button