SAWIRRO: Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta oo soo bandhigay tababaraha cusub ee xulka 18-jirada Soomaaliya

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa soo bandhigay tababaraha cusub ee hoggaamin doona xulka 18-jirada Soomaaliya, kaasoo noqonaya Macallin Cumar Axmed Maxamed oo ku magac dheer “Macallin Jabshe”.
Waxa uu Macallin Jabshe hoggaamin doonaa xulka qaranka 18-jirada Soomaaliya ee tartanka da’yarta oo ka qabsoomi doona dalka Kenya.
Macallin Cumar Axmed Maxamed ayaa horay ugu soo ciyaaray kooxaha Faynuus iyo Dekedda, waxaana 20-kii sano ee la soo dhaafay uu ku noolaa Waddanka Kenya.
Xoghayaha guud ee Xiriirka kubbadda Cagta Dr.Yuuusuf Mixidiin Axmed ayaa guul iyo nasiib wanaagsan u rajeeyay macallimiinta xulka qaranka da’yarta Soomaaliya, isagoo bahda kubadda cagta ugu baaqay in si wnaaagsan ay ula shaqeeyaan Macallin Jabshe.
Soo bandhigista Macallin Jabshe
SAWIRRO:









Astaan Sports