WARARKA MAANTA

Xulka qaranka Soomaaliya oo u safray dalka Marocco

Xulka kubbadda cagta qaranka Soomaaliya ayaa ka dhoofay garoonka diyaarada Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho iyagoo u safray dalka Marocco halkaasi ay iskugu diyaarin doonaan kulamada isreeb-reebka koobka Adduunka oo bisha November ay ciyaari doonaan.

Waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku sagootiyay guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta  Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed Cali  Cali Shiine iyo xubno kale oo ka tirsan guddiga fulita Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya.

Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya uu horkacayo guddoomiye Cali Shiine ayaa ayaa u rajeeyay wiilasha xulka qaranka iney guulo ka soo gaaraan kulamada ay ciyaari doonaan bisho soo socoto.

Xulka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa la ciyaari doono dalalka Algeria iyo Uganda is-reeb-reebka koobka Aduunka 2026.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button