2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupPremier LeagueSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

Kulamada saaxiibtinnimo ee uu dalka Morocco ku ciyaari doono xulkeenna qaranka Soomaaliya

Xulkeenna qaranka Soomaaliya ayaa ciyaari doona kulamo saaxiibtinnimo, kana soo muuqan doona isreeb-reebka Koobka Adduunka ee 2026.

Labo kulan oo saaxiibtinnimo ayuu xulkeenna Soomaaliya ciyaari doonaa, ka hor inta uusan la dheelin dalalka Algeria iyo Uganda.

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa abaabulay labo kulan oo saaxiibtinnimo kuwaasoo muhiim u ah diyaargarowga xulka ee ciyaaraha isreeb-reebka koobka Adduunka 2026 ee dalalka Afrika.

Qarankeenna Soomaaliya ayaa 14-ka bisha October la ciyaari doona dalka Niger ee dhacda Galbeedka Afrika, halka kulanka labaad ee saaxiibtinnimo ay 17-ka bisha October la ciyaari doonaan dhiggooda Sierra Leone.

Labada kulanba waxa ay ka qabsoomi doonaan garoonka Berrechid Municipal ee ku yaalla dalka Morocco.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button