SAWIRRO: Xulka qaranka Soomaaliya oo ku jira diyaar-garowgii ugu dambeeyey ka hor kulanka Niger
Xiddiga xulka qaranka kubadda cagta Soomaaliya ayaa si wadajir ah tababar ugu qaatay dalka Morocco ka hor kulankooda saxiibtinnimo.
Wiilasha qarankeennu waxa ay ku jiraan diyaar-garowgii ugu dambeeyey ka hor kulanka saaxiibtinnimo oo ay la ciyaari doonaan Niger.
Tirada xiddiga xulka qaranka Soomaaliya ee isku diyaarinaya ka qeyb-galka ciyaaraha isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026 ayaa soo dhammaystirmay.
18 ciyaaryahan oo laga soo xulay horyaallada dalka iyo 13 xiddig oo laga soo xulay dalka dibaddiisa ayaa isugu tagay dalka Morocco, halkaasoo ay tababar wadajir ah ku sameeyeen.
Xulka qaranka kubadda cagta Soomaaliya ayaa kulankooda ugu horreeya ee saaxiibtinnimo ku ciyaari doona dalka Morocco, waxaana ay 14-ka bisha October la dheeli doonan dalka Niger ee dhacda Galbeedka Afrika, halka kulanka labaad ee saaxiibtinnimo ay 17-ka bisha October la ciyaari doonaan dhiggooda Sierra Leone.
Labada kulanba waxa ay ka qabsoomi doonaan garoonka Berrechid Municipal ee ku yaalla dalka Morocco.
Kulamadaas saaxiibtinnimo kaddib waxa uu xulka qaranku la dheeli doonaan isreeb-reebka koobka Adduunka 2026, xulalka Algeria iyo Uganda.
SAWIRRO:
Astaan Sports