AFRICAPremier LeagueSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo u safray dalka Tanzania

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa u amba-baxay dalka Tanzania uu kaga qeyb galayo furitaanka African Football League.

Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa u u safray dalka Tanzania oo 20-ka bishan marti gelinaya furitaanka tartanka cusub ee African Football League.

Munaasabadda furitaanka waxaa ka soo qeyb galaya madax ka kala socota xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA iyo kan qaadda Afrika ee CAF.

Madaxda ka soo qeyb-galaysa furitaanka African Football League waxaa ka mid ah Gianni Infatino, FATMA Samoura, Souleiman Hassan Waberi, Arsène Wenger, Salman bin Ibrahim Al Khalifa, Alejandro Dominguez, Patrice Motsepe, Veron Omba, Augustin Senghor, Ahmed Yahaya, Seidoi Mbombo iyo dhamaan madaxda Afrika.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button