2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupPremier LeagueSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo dalka Tanzania kula kulmay madax ka socotay FIFA, CAF iyo CECAFA

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa Magaalada Dar-es-Salaam ee dalka Tanzania kula kulmay madax ka socotay FIFA, CAF iyo CECAFA.

Guddoomiye Cali Shiine ayaa dhowaan u amba-baxay dalkaasi Tanzania si uu uga qeyb galo furitaanka tartanka ku cusub qaaradda Afrika ee African Football League.

Madax kala duwan oo ka kala socda FIFA, CAF iyo CECAFA oo tartankaas furitaankiisa u tagay Tanzania ayaa dalkaasi kulamo gaar gaar ah ku qaatay.

Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa madaxda ka kala socotay xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA iyo kan qaadda Afrika ee CAF kulamada uu la qaatay waxa uu kala hadlay horuminta kubadda cagta Soomaaliya.

Madaxda uu Guddoomiye Cali Shiine kula kulmay Tanzania waxaa ka mid ah Gianni Infatino, FATMA Samoura, Souleiman Hassan Waberi, Arsène Wenger, Salman bin Ibrahim Al Khalifa, Alejandro Dominguez, Patrice Motsepe, Veron Omba, Augustin Senghor, Ahmed Yahaya iyo Seidoi Mbombo.

SAWIRRO:

May be an image of 8 people, people playing football and text that says "FIFA 1 FA"

May be an image of 2 people and textAstaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button