UncategorizedWARARKA MAANTA

Muxuu yahay tartanka kubadda cagta ee ku cusub qaaradda Afrika oo Jimcihii ka furmay dalka Tanzania?

Horyaalka Kubadda Cagta Afrika, oo ah tartan cusub oo qaaradda Afrika ah oo ay ka qeyb-galayaan siddeed kooxood, ayaa Jimcihii ka furmay magaalada Dar-es-Salaam ee dalka Tanzania, iyadoo kulankii furitaanka ay soo xaadireen 60,000 oo taageerayaal ah, waxaana kooxda martida loo ahaa ee Simba ay barbaro 2-2 ah la gashay kooxda ugu guulaha badan Afrika ee Al Ahly ee ka dhisan Masar.

Labada kooxood ayaa wada ciyaarayay lugtii hore ee wareegga 8-da waxayna markale ay ku kulmi doonaan magaalada Qaahira Talaadada soo socoto lugta labaad ee wareegga sideed dhammaadka tartanka Horyaalka Kubadda Cagta Afrika.

Qabashada tartankan ayaa lagu dhawaaqay sanadkii 2019-kii, waxaana si wadajir ah u abuuray fikirka xiriirka kubbadda cagta Adduunka ee FIFA iyo xiriirka kubbadda cagta Afrika ee CAF.

Tartankan ayaa horey loo qorsheeyay iney ka qayb-galaan 24-kooxood oo dhisan horyalada Afrika laakiin taas ma suuragelin waxaana hadda lagu furay kaliya sideed kooxood oo ka dhisan waddamada kala ah Masar, Nigeria, Tunisia, South Africa, Angola, Tansaaniya, DR Congo iyo Marooko.

Madaxweynaha FIFA  Gianni Infantin oo ka qayb-galay ciyaartii Jimcihii ka dhacday caasimadda Tanzania isagoo hoggaaminayay  wafdi ka socday FIFA ayaa sheegay in koox kasta oo ka qaybgaleyso tartankan  la siin doono 1 milyan oo dollar iyadoo $ 4 milyan oo dollar la siin doono kooxda ku  guuleysta, Koobka Horyaalada Afrika.

Waxaa hadda ka qaybgalayo tartanka horyaalka kubbadda cagta Afrika kooxaha kala ah.

Al Ahly oo ka dhisan (Masar)

Nyimba FC oo ka dhisan  (Nigeria)

Hope Tunis oo ka dhisan (Tunisia)

Mamelodi Sundowns oo ka dhisan (South Africa)

Petro Atletico de Luanda oo ka dhisan (Angola)

Simba SC oo ka dhisan (Tansaaniya)

TP Mazembe oo ka dhisan (DR Congo)

Wydad Casablanca oo ka dhisan (Marooko)

Dhanka kale CAF oo ah  hay’adda Maamusha kubbadda cagta Afrika, ayaa sheegtay in sideedda kooxood ee tartankan lagu bilaabay ay  horudhac u yahiin tartan weyn oo sanadka soo socda loo qabanayo kooxaha horyaalada Afrika.

Inta u dhexeyso 29-Oktober 2023 iyo 1-da November 2023,  waxaa wada ciyaari doono kooxaha u soo gudbo wareegga Semi-finalka. Ciyaarta Fiinaalka ayaa la ciyaari doonaa 11-Novembar 2023.

1979NO-SOCCER-FIFA_TANZANIA_O_

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button