WARARKA MAANTA

SAWIRRO: Iskuulka Global 1 oo ku guuleystay tartankii Dugsiyada  Gobalka Banaadir 2023.

Waxaa shalay la soo gabagabeeyay tartankii kubbadda cagta Iskuulada gobalka Banaadir waxaana fiinaalka tartanka wada ciyaaray Iskuulada kala ah Macallin Jaamac & Global 1.

Ciyaarta u dhexeysay labada Iskuul oo ahayd mid aad adag, labada dhinac waxay soo bandhigeen ciyaar awood ahaan garbo siman ku socotay, iyadoo natiijada ay ku soo dhammaatay 2-1 oo ku adkaatay Global 1.

Ciyaarta fiinaalka waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Muddane Cali shiine, Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Muddane Maxamed Bare, xubno ka socday socday Maamulka ciyaaraha gobolka banaadir, iyo Midowga Dugsiyada Gobalka Banaadir iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay ciyaarta fiinaalka.

Tartanka Iskuulada gobalka banaadir waxaa si wada jir iskaga kaashaday sanadkan Wasaaradda Dhallinyarada & Ciyaaraha iyo Midowga Dugsiyada Gobalka Banaadir, iyagoo garab ka helayo xiriir kubbadda cagta Soomaaliya.

Muddo ku dhaw labo bil ayuu tartanka socday, waana markii ugu horreysay oo tartan sidan u weyn ay si wadajir ah iskaga kaashadaan Wasaaradda Dhallinyarada & Ciyaaraha iyo Midowga Dugsiyada Gobalka Banaadir, iyagoo gacan ka helayo xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button