WARARKA MAANTA

Kooxaha Horseed & Heegan oo galabta wada ciyaari doono horyaalka k/kolleyga Soomaaliya.

Kooxaha  kubbadda koleyga Horseed & Heegan ayaa galabta wada ciyaari doono kulan ka tirsan horyaalka kubbadda koleyga Soomaaliya.

Ciyaarta labada kooxood oo ah mid aad u adag maadaama ay yihiin kooxo ku xifaaltamo horyaalka kubbadda koleyga, kulankan ayaa lagu ciyaari doonaa garoonka Wiish Stadium ee degmada Cabdicasiis.

Labada kooxood ayaa galabta wada ciyaari doono kulankooda koowaad horyaalka kubbadda koleyga Soomaaliya oo wejigiisa koowaad gabagabo marayo kooxda Horseed ayaa laga soo badiyay labo kulan ciyaarihii ay soo ciyaartay halka Heegan sidoo kale laga soo adkaaday labo ciyaar.

Horyaalka kubbadda koleyga Soomaaliya oo sii xiiso leh ugu socdo garoonka Wiish ee degmada Cabdicasiis waxaa illaa hadda aan laga adkaanin kooxaha kala ah Dekeddaha iyo Gift Star.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button