WARARKA MAANTA

SAWIRRO: Gifti Stars oo guul muhiim ka gaartay Dekedaha horyaalka K/Kolleyga Soomaaliya.

Kooxda kubbadda kolayga Gifti Stars ayaa guul muhiim ah ka gaartay dhiggeeda Dekedaha kulan ka tirsanaa horyaalka kubbadda koleyga Soomaaliya waxayna la wareegeen hoggaanka horyaalka kubbadda kolayga Soomaaliya iyagoo hadda ku hoggaaminayo 14-dhibcood.

Ciyaarta oo ahayd mid aad u adag ayaa lagu ciyaaray garoonka kubbadda koleyga Wiish Stadium ee degmada Cabdicasiis, kooxda Gifti Stars ayaa ku garaacday 64-57 Dekedaha waxay ahayd natiijo u wanaagsan kooxda Gifti Stars

Horyaalka kubbadda koleyga Soomaaliya oo sii xiiso leh ugu socdo garoonka Wiish ee degmada Cabdicasiis waxaa illaa hadda aan laga adkaanin kooxda Gift Star oo haatan la wareegtay hoggaanka horyaalka kubbadda koleyga Soomaaliya.

Wejiga koowaad horyaalka kubbadda koleyga ayaa soo dhammaaday waxaana lagu kala nastay sida tan.

1-aad Gifti Stars ciyaartay 7 kulan wax guuldarro ah lama kulmin 14-dhibcood

2-aad Dekeddaha ciyaartay 7 kulan, hal guuldarro, 12-dhibcood

3-aad Heegan ciyaartay 7 kulan, 2 guuldarro, 10-dhibcood

4-aad Horseed ciyaartay 7 kulan, 3 guuldarro, 8-dhibcood

5-aad Plasma ciyaartay 7 kulan, 5 guuldarro, 4-dhibcood

6-aad OFC ciyaartay 7 kulan, 6 guuldarro, 2-dhibcood

7-Somali Fruit ciyaartay 7 kulan, 7 guuldarro, 0-dhibcood

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button