WARARKA MAANTA

SAWIRRO: Isku aadka tartanka K/cagta Maamul Goboleedyada oo la sameeyay 2023.

Waxaa la sameeyay isku aadka tartanka kubbadda cagta maamul goboleedya iyo gobalka Banaadir, tartankan oo aan la qaban labadii sano ee ugu dambeysay ayaa ka mid ah tartamada ugu xiisaha badan iyadoo markii ugu dambeysay ay ku guuleysteen gobalka Banaadir.

Isku aadka tartanka waxaa ka soo qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Muddane Maxamed Bare, Guddoomiyaha XKS Muddane Cali Shiine, xubno ka socday Maamulka Ciyaaraha Gobalka Banaadir iyo marti sharaf kale.

Waxaa markii ugu horreysay tartanka kubbadda cagta maamul goboleedyada lagu soo daray Khaatumo State oo dhawaan loo aqoonsaday gobal ka mid ah Soomaaliya, waxaana markii horreysay tartanka ka maqan dowlad gobaleedka Putland sababo aan la shaacin.

Maamul Goboleedyada ayaa iskugu beegmay.

Galmudug V Hirshabelle

Banaadir V Koofur Galbeed

Jubbaland V Khaatumo

Dhammaan maamul goboleedyada ayaa is wada arki doono waxaana afar dhammaadka tartanka u soo gudbi doono afarta xul ee ugu dhibcaha badan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button