WARARKA MAANTA

SAWIRRO: Jubba Football Club  oo guul ku furatay horyaalka heerka labaad

Kooxda kubbadda cagta Jubba Football Club ayaa guul ku furatay horyaalka heerka labaad ee dalka kaddib markii ay kaga adkaatay kooxda Hilaac.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa lagu ciyaaray garoonka Stadio Muqdisho waxaana natiijada ciyaarta ku soo dhammaatay 2-0 oo ku adkaatay kooxda Jubba Football Club.

Horyaalka ayaa furmay Jimcihii waxaana kulanka furitaanka wada ciyaaray kooxaha Waxool & Gantaalaha Afgooye, kulankan oo lagu ciyaaray garoonka kubbadda cagta Muqdisho Stadium waxaa 3-1 ku adkaatay Gantaalaha Afgooye.

Horyaalka heerka labaad ee dalka oo aan la ciyaarin muddo 2 sano ah waxaa markii ugu dambeysay ku guuleysatay kooxda Badbaado oo hadda ka mid kooxaha ka ciyaaro horyaalka heerka koowaad ee Somali Premier League, halka kaalinta labaad ay ku dhammaysatay kooxda Saxafi.

Horyaalka heerka labaad waxaa sanadkan ka qaybgalayo 13-kooxood waana markii ugu horreysay oo tiro intaas ah ay ciyaaraan, iyadoo sidoo kale meesha laga saaray horyaalkii heerka saddexaad ee dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button