WARARKA MAANTA

SAWIRRO: Muxuu ku soo dhammaaday kulankii u dhexeeyay Jamhuuriyo & G/Africa horyaalka heerka labaad ee Soomaaliya.

Kooxda kubbadda cagta Geeska Africa ayaa guul ku furatay horyaalka heerka labaad ee dalka kaddib markii ay ka adkaatay kooxda Geeska Africa.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u adag ayaa lagu ciyaaray garoonka Stadio Muqdisho, waxaana natiijada ciyaarta ay ku soo dhammaatay 1-0 oo ku adkaatay kooxda Geeska Africa.

Horyaalka heerka labaad ee dalka oo aan la ciyaarin muddo 2 sano ah waxaa markii ugu dambeysay ku guuleysatay kooxda Badbaado oo hadda ka mid kooxaha ka ciyaaro horyaalka heerka koowaad ee Somali Premier League, halka kaalinta labaad ay ku dhammaysatay kooxda Saxafi.

Horyaalka heerka labaad waxaa sanadkan ka qaybgalayo 13-kooxood waana markii ugu horreysay oo tiro intaas ah ay ciyaaraan, iyadoo sidoo kale meesha laga saaray horyaalkii heerka saddexaad ee dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button