Premier LeagueSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 15-ka sano oo maanta u safraya dalka Uganda

Xiddigaha xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 15-ka sano ayaa maanta u safri doona dalka Uganda si ay ugu qeyb galaan tartanka 15 jirada bariga iyo bartamaha Afrika.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxa ay ku jireen oo ay tababar ku qaadanayeen xarunta farsamada xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

Haddaba aynu eegno Jadwalka kulamada Soomaaliya ee tartanka Cecafa U-15:-

Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 15-ka sano ayaa sanadkan ka qeyb galaya cayaaraha bariga iyo bartamaha Afrika ee ka dhacaya dalka Uganda, halkaasoo ay maanta u safrayaan.

Wareegga hore ee tartanka waxaa xulka Soomaaliya ee da’yartu waxa ay la cayaari doonaan xulalka ay iskula jiraan Guruubka B, waxaana kulamadu ay u dhacayaan sidan soo socota.

Axad 5-ta bisha November xulka Soomaaliya ee U-15 waxay la cayaari doonaan dalka Tanzania, kulanka labaad waxaa xulka Soomaaliya ay iska hor imaan doonaan dhiggooda Zanzibar 8-da bisha, halka kulanka ugu dambeeya wareegga hore uu dhex mari doono Soomaaliya iyo Rwanda 11-ka bishan November.

Sanadkii 2019-kii xulka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 15-ka sano waxay ka qeyb-galeen ciyaarihii Cecafa ee ka dhacay Eritrea, halkaasoo Soomaaliya ay noqotay kooxdii ugu wanaagsanayd tartanka oo dhan, waxaana cayaartoydii tartankaas lagu soo saaray ay suura geliyeen in 2022-kii ay qaadaan koobkii Cecafa U-17 ee ka dhacay dalka Itoobiya, taasoo noqotay markii ugu horreysay ee Soomaaliya ay koobkaas hanato.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button