Premier LeagueSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kulan iskugu jiray qado sharafeed iyo dardaaran oo loo sameeyay xulka 18-jirada Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, Maxamed Barre Maxamuud oo uu wecliyo guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), guddoonka sare ee xiriirka kubadda cagta Soomaaliya iyo Safiirka dalka Algeria u fadhiya Soomaaliya kulan isugu jira qado sharaf iyo dardaaran u sameeyey xiddigaha xulka qaranka 18-jirada Soomaaliya.

Kulankan oo ka qabsoomay garoonka Muqdisho ayaa lagu dhiiri-geliyey oo lagu guubaabiyey xiddigaha xulka qaranka 18-jirada Soomaaliya ka hor tartanka ay ka qeyb-galayaan ee bariga iyo bartamaha Afrika oo sanadkan ka qabsoomi doona dalka Kenya.

Macallin Jabshe oo hoggaaminaya da’yarta 18-jirada Soomaaliya sanadkan oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inay rajeynayaan inay dhiiri-gelin u noqoto ciyaartoyda oo 90% iga guusha laga sugayo.

Safiirka dalka Algeria u fadhiya Soomaaliya Mr. Cabdiwahaab oo musaabadda ka hadlay ayaa sheegay in xiddigaha looga baahan yahay niyad bir ah la tagaan garoonka, isla markaana ay safiiro ka yihiin Soomaali oo dhan marka ay garoonka galaan.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta iyo Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ay ka go’an tahay in la hormariyo xulalka kala duwan ee Waddanka.

Ugu dambeyn Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud oo qado sharafta u sameeyey xiddigaha 18-jirada Soomaaliya ayaa dhankiisa kula dardaarmay ciyaartoyda inay ilaaliyaan aqlaaqda oo ay la yimaad asluub iyo ciyaar wanaag.

SAWIRRO

May be an image of 6 people, body of water and text

May be an image of 9 people, people smiling, suit and text

May be an image of 1 person and text

May be an image of 5 people, people playing football, people playing American football and text

May be an image of 9 people, people smiling, people playing football, grass and text

May be an image of 9 people, people smiling, tree and text

May be an image of 3 people and text

May be an image of 2 people, people playing football, people playing American football and text

May be an image of 3 people, people playing football, people playing American football and text

May be an image of 8 people, people playing American football, people playing football and text

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button