SAWIRRO: Xulka Kubbadda cagta 18-jirada Soomaaliya oo gaaray dalka Kenya

Xiddiga xulka qaranka kubadda cagta 18-jirada Soomaaliya, kuwaasoo ka qeyb-galaya tartanka bariga iyo bartamaha Afrika ee xiddigaha da’doodu ka hooseyso 18-jirrada ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Sanadkan waxaa 18-jirada Soomaaliya horkacaya Macallin Jabshe oo si weyn looga yaqaanno gudaha Keyna si weyn ayaana da’yarta qaranka loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha.
Diyaar-garow adag ayay maalmihii la soo dhaafay ka wadeen Magaalada Muqdisho, haddana waxa ay diyaar u yihiin inay tababarkooda iyo u diyaar-garowgooda tartanka ka sii wadaag dalka Kenya oo magaalooyin ka mid ah lagu ciyaarayo Cecafa U-18.
Xulka qaranka 18-jirada Soomaaliya ayaa kulankooda furitaanka tartanka bariga iyo bartahama Afrika waxa ay la ciyaarayaan 25 bishaan dalka marti-gelinaya tartanka ee Kenya.
SAWIRRO:

















Astaan Sports