AFRICAPremier LeagueSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

Xulka qaranka Soomaaliya oo la kulmay guuldarradoodii labaad oo xiriir isreeb-reebka koobka adduunka ee 2026

Xulka qaranka waa weyn ee Soomaaliya ayaa la kulmay guuldarradoodii labaad oo xiriir ah ciyaaraha Isreeb-reebka koobka adduunka ee 2026.

Kulankii shalay oo ay ciyaar la jecelaysan karo soo bandhigeen wiilasheenna ayaa guuldarro 1-0 ah kala kulmay xulka Uganda.

Waa guuldarradoodii labaad oo xiriir ah oo ay la kulmayaan ciyaaraha isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026, kaddib markii ay guuldarro 3-1 kala soo kulmeen Algeria.

Xulkeena Soomaaliya ayaa halka ugu hooseysa ka hoggaaminaya kala sarreynta Group G iyadoo lagu leeyahay saddex gool oo deyn ah, waxaana Group-ka hoggaaminaya xulka Algeria oo labo guul haysta.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button