SAWIRRO: Xulka da’yarta 18-jirada Kenya oo guul muhiim ah ka gaaray dhiggooda Soomaaliya.
Xulka kubbadda cagta da’yarta 18-jirada Soomaaliya ayaa haray tartanka kubbadda cagta Cecafa Under 18 Championship 2023, kaddib markii ay guuldarro kala kulmeyn xulka kubbadda cagta Kenya.
Xiddigaha da’da yar ee Kenya ayaa dhammaan soo adkaaday saddexdii ciyaar ay soo ciyaareen iyagoo haatan hoggaanka u hayo Group-ka A tartanka CECAFA U18 oo ka socda garoonka Bukhungu ee gobalka Kakamega ee dalka Kenya.
Qaybtii koowaad ee ciyaarta xulka da’yarta Soomaaliya waxaa hoggaanka u dhiibay Cabdi Xaafid Cabdi daqiiqadii 19-aad ee ciyaarta laakiin xulka Kenya ayaa jawaab deg-deg ah ka bixiyay goolka bar-baraha waxaana u dhalliyay ciyaaryahanka lagu magacaabo Humphrey Aroko, daqiiqadii 25-aad ee ciyaarta, saddex daqiiqo kaddib waxaa hoggaanka u dhiibay xulka da’yarta 18-jirada Kenya xiddiga lagu magacaabo Stanley Omondi, waxaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta 2-1 oo hoggaanka oo Kenya hoggaanka ku haysay.
Qaybtii labaad ee ciyaarta waxaa goolka saddexaad u dhaliyay Kenya Humphrey Aroko oo dhaliyay goolkiisa labaad iyo goolkii saddexaad ee ciyaarta daqiiqadii 66-aad, xulka da’yarta Soomaaliya waxaa quusiyay oo goolka afaraad ka dhaliyay, Aldrine Kibet oo beddel ku soo galay ciyaarata waxaana uu shabaqa gaaray daqiiqadii 74-aad, isagoo sidaasi ku dhaliyay goolkiisa seddexaad ee tartanka
Xulka kubbadda cagta da’yarta 18-jirada Kenya ayaa kaalinta koowaad ku soo baxay halka Ruwanda kaalinta labaad ay kaga soo baxday Guruubka A, xulka Suudaan oo iyagana ka haray tartanka ayaa ku dhammaysatay kaalinta saddexaad halka Soomaaliya kaalinta afaraad ay ku dhammaysatay tartanka CECAFA U18.