SAWIRRO: Magaalada Baydhabo oo martigalisay Final-ka Super Cup-ka Somaaliya.
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay waxay shalay martigelisay markii ugu horreysay Final-ka Super Cup-ka, Soomaaliya oo lagu ciyaaray garoonka kubbadda cagta Dr. Ayuub Stadium.
Kooxaha kala ah Dekadaha & Gaadiidka ayaa wada ciyaaray Final-ka Super Cup-ka Soomaaliya oo loo qabto kooxaha ku kala guuleystay horyaalka Somali Premier League iyo koobka General Daa’uud.
Kooxda Dekadaha oo ku guuleysatay horyaalka Somali Premier League xilli ciyaareedkii dhammaaday ayaa ka qaaday Final-ka Super Cup-ka dalka kooxda Gaadiidka oo iyagana ku guuleystay koobka General Daa’uud 2023,
Labada kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar qurux badan waxaana garoonka soo buux-dhaafiyay taageerayaal aad u badan oo kala taageerayay labada kooxood ugu dambeyntii natiijada ciyaarta ayaa ku soo dhammaatay 3-2 oo koobka ku qaaday kooxda Dekadaha.
Waa markii ugu horreysay oo magaalada Baydhabo ay martigelisay Final-ka Super Cup Soomaaliya taasoo qayb ka ah is-dhexgalka kubbadda cagta iyadoo qorsha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya uu yahay iney magaalooyin kale ay ku qabtaan koobka Super Cup Somaaliya.