WARARKA MAANTA

SAWIRRO: Maamulka Gobolka Banaadir oo kulan dhiiragelin ah u sameeyay xulka k/cagta G.Banaadir.

Maamulka ciyaaraha gobolka banaadir ayaa kulan iskugu jiro casho iyo dhiiragelin u sameeyay ciyaartoyda ku matalayo gobolka banaadir tartanka kubbadda cagta maamul goboleedyada oo 22-ka bishan December 2023, ka furmi doono magaalada Muqdisho.

Kulankan lagu dhiiragelinayo iney difaacdaan xulka gobolka banaadir tartanka maamul goboleedyada ayaa waxaa ka soo qayb-galay madax kala duwan oo ka kala socday maamulka ciyaaraha gobolka banaadir iyo qaar ka mid ah madaxda kooxaha heerarka kale duwan ee ka dhisan dalka.

Markii ugu dambeysay oo la qabtay tartanka maamul goboleedyada sanadkii 2020-kii waxaa ku guuleystay xulka gobolka banaadir oo ka qaaday xulka Galmudug.

Dhammaan xulalka ka qaybgalayo tartanka sanadkan ayaa is wada arki doono waana qaab ka duwan sidii horey loogu bartay tartanka oo ahaa in xulalka ay isku arkaan heerka guruubyada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button