WARARKA MAANTA

Maxaa laga beddelay qaabkii loo ciyaari jiray tartanka Maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir..?

Tartanka kubbadda cagta maamul goboleedyada iyo gobolka banaadir oo markii hore qorshaha ahaa in la qabto 15-ka bishaan December ayaa  dib loo dhigay ,waxaana uu furmi doonaa 22-ka bishan December 2023 oo ku beegan maalin Jimco ah.

Tartanka kubbadda cagta maamul goboleedyada iyo gobolka banaadir ayaan la qaban tan iyo 2020-kii xilligaasi waxaa ku guuleysatay xulka gobolka Banaadir oo fiinaalka tartanka ka qaaday xulka Galmudug.

Waxaa diyaar garow ku jiro xulalka ka qaybgalayo tartanka sanadkan 2023, waxaana qaarkood ay tababar ku sameeyaan garoomada kubbadda cagta ee magaalada Muqdisho.

Dhammaan xulalka ka qayb-galayo tartanka sanadkan ayaa is wada arki doono waana qaab ka duwan sidii horey loogu bartay tartanka oo ahaa in xulalka loo kala saaro labo guruub, hase yeeshee sanadkan waxaa lagu kala saari doonaa dhibcaha ay kala helaan dhammaan xulalka ayaa wada ciyaari doono ka hor inta aysan u gudbin wareegga bug-baxa.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button