WARARKA MAANTA

Garsoore Maxamed Soomaali oo dib u helay Aqoonsiga garsoorka heerka caalami ee FIFA.

Garsoore Maxamed Nuur Muxudiin (Soomaali) ayaa mar kale dib u helay Aqoonsiga kaarka caalamiga ee garsoorayaasha u diiwaangashan FIFA.

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya & FIFA ayaa markale fursad u siiyay garsoore Maxamed Soomaali  inuu helo aqoonsiga garsoorka heerka caalami ee FIFA kaasoo ka maqnaa muddo saddex sano ah.

Garsoore Maxamed Soomaali ayaa helay markii ugu horreysay aqoonsiga caalami ee FIFA sanadkii 2018-kii, muddo labo sano kaddib waxaa soo gaaray dhaawacyo sababay in laga saaro garsoorayaasha haysto aqoonsiga heerka caalami ee FIFA, isagoo ku dhacay oradka garsoorayaasha.

Muddo saddex sano kaddib ayuu mar kale helay aqoonsiga heerka caalami isagoo wixii hadda ka dambeeyo fursad u heli doono inuu qabto tartamada kubbadda cagta waddamada Afrika uu in badan horey u soo garsooray waddamo kala duwan.

Garsoore Maxamed Soomaali ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray “Tani waxay  ii noqonaysaa diiwaan cusub oo ah markii ugu horreysay garsoore Soomaali ah in uu  qaato labo mar Aqoonsiga FIFA isagoon aan la beddelin booska garsoorkiisa”

Xiriirka soomaliyeed waxaan uga mahadcelinayaa dadaalada ay ku bixiyeen in Soomaaliya ay yeelato 4-Garsoore oo dalka Horumar weyn u ah.

Gaar ahaan waxaan sigaara ugu Mahadcelinayaa madaxweynaha XKCS Muddane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) iyo xoghaye SFF Muddane Yusuf iyo dhamaan macalimiinta garsoorka Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button