Wasiirka Dhallinyarada & Ciyaaraha Soomaaliya Maxamed Barre oo tacsi u diray Ummadda Soomaaliyeed.

Wasiirka Dhallinyarada & Ciyaaraha Dowlada Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud ayaa tacsi u diray ehelka, qaraabadi iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed geeriidii ku timid Allaha u naxariistee Wasiirkii Haweenka Dowlada Soomaaliya Maanmo Khadiijo Maxamed Diiiriye oo shalay ku geeriyootay Dalka Jabuuti.
Dhanka kale Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud ayaa ka hadlay waxqabadkii Allaha u naxariistee Wasiir khadiijo Maxamed Diiriye oo mar wasiir ka soo noqotay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya isagoo sheegay iney wax badan ka soo qabatay Sports-ka dalka, noocyadiisa kala duwan intii ay xilka wasaarada soo haysay illaa maanta.
Geerida allaha u naxariistee Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa timid kaddib markii qaliin lagu sameeyay hospital ku yaalo dalka Jabuuti.
Allaha u naxariisto Maamo Khadiijo Maxamed Diiriye innaa lilaahi wa innaa illeyhi raajicuun.
