Elman SC oo ku guuleysatay koob lagu maamusayay ku biirista Soomaaliya ku biirtay ururka EAC

Kooxda kubbadda cagta Elman ayaa ku guuleysatay koobkii lagu maamusayay ku biirista ay Soomaaliya ku biirtay ururka Bulshada Bariga Africa EAC, kaddib markii 2-1 ay ku garaacday kooxda Dekadaha.
Tartankan waxaa ka qayb-galay afar kooxood oo ka mid kuwa ugu adag ee ka ciyaaro Somali Premier League, iyadoo kulamadii horey loo soo ciyaaray ay kooxaha isku soo arkeen Jenyo & Dekadaha 3-1 oo ku adkaatay Dekedaha halka Elman 4-2 ay ku garaacday kooxda MCC.
Fiinaalka koobka lagu maamuusayay ku biirista ay Soomaaliya ku biirtay ururka Bulshada Bariga Africa EAC ayaa shalay galab lagu soo gabagabeeyay garoonka Muqdisho Stadium waxaana kulankan u soo daabasho tagay taageerayaal aad u badan oo kala taageerayay labada kooxood.
Sidoo kale waxaa garoonka ku sugnaa Guddoomiyaha XKCS Mudane Cali Shiine iyo Wasiirka Dhallinyarada & Ciyaaraha Maxamed Bare iyo marti sharaf kale oo lagu marti-qaaday ka soo qayb-galka ciyaartan.
Tartankan wuxuu tijaabo hordhac ah u yahay garoonka Muqdisho Stdium oo qalab cusub lagu soo kordhiyay ka hor bilaabashada tartanka maamul goboleedyada oo 29-ka bishan December ka furmi doono Muqdisho.






