SAWIRRO: Guddoomiyaha G.Banaadir Yuusuf Madaale oo maanta tababarka ku booqday xulka G.Banaadir

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahne duqa Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa saaka booqday ciyaartoyda gobolka banaadir oo tababar ku sameynayay garoonka Eng-yariisow ee degmada Cabdicasiis.
Ciyaartoyda xulka kubbadda cagta gobolka banaadir ayaa ku jiro diyaar garow ka hor bilaabashada tartanka maamul goboleedyada & gobolka banaadir, oo ka furmi doono beri oo Jimco ah garoonka kubbadda cagta Mudisho Stadium.
Xulka gobolka banaadir oo ku guuleystay tartanka maaamul goboleedyada & gobolka baanadir markii ugu dambeysay ee la qabtay sanadkii 2020-kii, ayaa kulankooda koowaad la ciyaari doono maalinta Sabtiga xulka Koofur Galbeed tartanka maamul goboleedyada & gobolka banaadir.
Booqashada Guddoomiyaha gobolka banaadir Yuusuf Madaale ayaa ahayd mid uu ku dhiiragalinayay ciyaartoyda gobolka sidii ay mar kale u noqon lahaayeen ku guuleystayaasha tartanka maamul goboleedyada & gobolka banaadir.




