SAWIRRO: Xulka K/Galbeed oo sameeyay tababarkii ugu dambeeyay.
Xiddigaha xulka Koonfur Galbeed ayaa sameeyay tababarkii ugu dambeeyay ka hor kulanka ay wajihi doonaan xulka Gobolka Banaadir berri oo isniin ah kuna beegan 01/01/2024.
Tartanka Maamul Goboleedyada & Gobolka banaadir ayaa furmay Jimcihihii waxaana kulanka furitaanka wada ciyaaray xulalka Galmudug & Hirshabeelle, labada xul ayaa ku hishiiyay barbaro 1-1 iyadoo lagu ciyaaray garoonka kubbadda cagta Muqdisho Stadium 30-sano kaddib.
Xulka Koofur Galbeed ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho maalintii Khamiista sida ku cad jadwalka tartanka waxay ku qornaayeen iney ciyaaraan shalay, hase yeeshee codsi ka yimid Koofur Galbeed ayaa dib loo dhigay kulankii ay la ciyaari lahaayeen xulka Gobolka Banaadir waxaana kulankan la ciyaari doonaa maalinta berri oo ku beegan sanadka cusub 2024.
Xulka Gobolka Banaadir iyo Koofur Galbeed ayaa horey u soo wada ciyaaray sanadkii 2020-ka waxayna isku arkeen wareegga afar dhammaadka tartanka Maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir 2020-kii iyadoo 3-1 ay ku adkaadeen wiilasha Gobolka Banaadir.
Labada xul ayaa isku arki doono kulankooda koowaad ee tartanka Maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir berri oo isniin ah kuna beegan maalinta koowaad ee sanadka cusub 2024.