Xulalka Banaadir & K/Galbeed oo galabta wada ciyaari doono.

Waxaa galabta wada ciyaari doono kulankooda koowaad ee tartanka kubbadda cagta maamul goboleedyada & gobolka banaadir xulalka kala ah Koofur Galbeed & Gobolka Banaadir.
Kulanka u dhexeeyo labada xul ayaa lagu ciyaari doonaa garoonka kubbadda cagta Muqdisho Stadium oo lagu ciyaaray kulankii furitaanka ee u dhexeeyay Galmudug iyo Hirshabeelle muddo 30-sano kaddib, waxaana qorshaha uu yahay in lagu soo gabagabeeyo tartanka.
Xulka Gobolka Banaadir iyo Koofur Galbeed ayaa horey u soo wada ciyaaray sanadkii 2020-ka waxayna isku arkeen wareegga afar dhammaadka tartanka Maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir 2020-kii iyadoo 3-1 ay ku adkaadeen wiilasha Gobolka Banaadir.
Kulanka galabta u dhexeeyo Koofur Galbeed & Banaadir ayaa ah mid ka mid ah kulamada ugu adag tartanka maamul goboleedyada & gobolka banaadir, maadaama labada xul ay haystaan ciyaartoy qatar ku ah dhan kasto.
