WARARKA MAANTA

SAWIRRO: Xulka Gobolka Banaadir oo guul ku furtay tartanka Maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir.

Gobolka Banaadir ayaa guul ku furtay tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir kaddib markii ay ka adkaadeen xulka Koofur Galbeed.

Kulankan oo ahaa mid aad u adag labada xul ayaa soo bandhigay ciyaar awood ahaan garbo siman waxaana qaybtii koowaad lagu kala nastay 0-0.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta xulka Gobolka Banaadir ayaa la wareegay hoggaanka kulanka, waxaana gool u dhaliyay kabtankooda lambarka 7-aad Khaalid Axmed Xasan daqiiqadii 53-aad ee ciyaarta, xulka Koofur Galbeed waxay abuureen fursado cajiib ah wallow aysan helin goolka barbaraha waxaana natiijada ciyaarta ay ku soo dhammaatay 1-0 oo xulka Banaadir ay ku adkaadeen.

Garsoore Cumar Cartan ayaa bixiyay saddex kaar  oo ah kaarka hurdiga, xulka Koofur Galbeed waxaa la siiyay labo kaar waxaana kaarkii ugu horreeyay qaatay, goolhaye Cabdifitaax Axmed Qaasim daqiiqadii 35-aad, ee ciyaarta halka lambarka 12-aad, Xasan Maxamed Cali oo beddel ku soo galay ciyaarta la siiyay daqiiqadiid 67-aad ee kulanka.

Xulka Banaadir waxaa la siiyay kaliya hal kaar waxaana qaatay ciyaaryahanka lambarka 7- Khaalid Axmed Xasan daqiiqadii 53-ad kaddib markii uu fanaanada siibtay dabaal-degga goolka uu dhaliyay.

In ka badan 60-kun oo taageerayaal ayaa soo xaadiray garoonka kubbadda cagta Muqdisho Stadium waxaana ay kala taageerayeen labada xul, ee Koofur Galbeed iyo Gobolka Banadir.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button