WARARKA MAANTA

SAWIRRO: Galmudug oo guul soo laabasho ah ka gaartay dhiggeeda Jubbaland

Kulankan oo u dhexeeyay xulalka kubbadda cagta Galmudug & Jubbaland kana tirsanaa tartanka maamul goboleedyada iyo gobolka banaadir 2023/24, ayaa lagu ciyaaray garoonka kubbadda cagta Muqdisho Stadium.

Ciyaarta oo ahayd mid aad u xiiso badan labada xul ayaa soo bandhigay kubbad ay aad ula dhaceyn taageerayaashii ka soo qayb-galay daawashada kulankan, waxaana qaybtii hore hoggaanka u dhiibay xulka Jubbaland ciyaaryahanka lambarka 10-aad Cabdifitaax Siyaad Shire daqiiqadii 29-aad kaddib markii uu goosha Galmudug uu ka toogtay meel ka baxsan diilinta ganaaxa.

Xulka Jubbaland oo ku gacan sareeyay ciyaarta qaybtii koowaad ayaa mar kale gaaray shabaqa Galmudug, waxaana u saxiixay goolkii labaad ciyaaryahanka lambarka 17-aad Bakar Shufale Yuusuf daqiiqadii 32-aad ee kulanka, waxaana lagu kala nastay 2-0 oo hoggaanka ku haysay Jubbaland.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta macalinka xulka Galmudug Axmed Tahliid ayaa sameeyay beddelo wax weyn ka beddelay ciyaarta, waxaana gool u dhaliyay ciyaaryahanka lambarka 63-aad Siid Cumar Axmed Showri daqiiqad 48-aad, niyada ciyaartoyda Galmudug ayuu dib u soo celiyay goolkaasi waxaana mar kale ay heleen goolka barbaraha iyadoo uu u dhaliyay ciyaaryahanka lambarka 22-aad Diini Maxamed Daahir daqiiqadii 79-aad isagoo ciyaarta ka dhigay 2-2.

Dhammaadkii ciyaarta ayay heleen goolkii saddexaad xiddigaha xulka Galmudug oo qaybtii labaad ciyaarta soo bandhigay ciyaar ka duwaneed qaybtii koowaad, waxaana goolka guusha u dhaliyay daqiiqadii 86-aad, ciyaaryahanka lambarka 17-aad Cabdalle Maxamed Maxamuud oo beddel ku soo galay ciyaarta, natiijada kulanka ayaana ku soo dhammaatay 3-2 oo ku adkaatay xulka Galmudug.

Garsoore Cabdullaahi Xaaji oo ahaa garsooraha kulankan ayaa bixiyay afar kaar oo ah kaarka digniinta wuxuuna kala siiyay labada dhinac, xulka Galmudug waxaa laga siiyay ciyaaryahanka lambarka 16-aad Saciid Cabduqaadir Maxamed daqiiqadii 48aad iyo Diini Maxamed Daahir oo la siiyay  daqiiqadii 79aad kadib markii uu fanaanada siibtay.

Dhanka Jubbaland waxaa la siiyay kaarka digniinta lambarka 22-aad Goolhaye Jacfar Shariif Kale daqiiqadii 42-aad kaddib markii uu lumiyay waqtiga, sidoo kale waxaa la siiyay lambarka 5-aad Ciise Cabdullaahi Maxamed daqiiqadii 46-aad.

Xulka Galmudug ayaa leh 4-dhibcood iyadgoo ciyaaray labo kulan halka xulka Jubbaland ay u ahayd ciyaartoydii koowaad tartanka maamul goboleedyada & gobolka banaadir.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button