WARARKA MAANTA

SAWIRRO: Ciyaartii u dhexeysay xulalka Banaadir & Hirshabeelle oo hakad la galiyay.

Kulankii u dhexeeyay Gobolka Banaadir & Hirshabeelle ayaa hakad la galiyay kaddib markii rabshado ay ka dhaceyn garoonka taas oo u dhexeysay taageerayaasha labada xul.

Isku dhaca taageerayaasha waxaa ka horreeyay dagaal dhex-maray qaar ka mid ah ciyaartoyda labada dhinac, daqiiqadii 52-aad ee ciyaarta, iyadoo garsoore Maxamed Soomaali uu bixiyay afar kaar oo casaan ah waxaana la kala siiyay labada dhinac macalinka ku xigeenka gobolka Banaadir Abuukar Banyaa ayaa garoonka laga saaray waxaana sidoo kale ciyaarta laga saaray ciyaaryahanka lambarka 12-aad Cumar Axmed Kamal ee xulka Banaadir

Dhanka Hirshabeele waxaa garoonka laga saaray macalin Cabaas iyo ciyaaryahanka lambarka 15-aad Jaamac Xasan Jaamac oo ka mid ahaa ciyaartoyda fadhisay kursiga keydka Hirshabeelle kaas oo ku lug lahaa dagaalka dhex-maray labada xul.

Intaasi kaddib ciyaarta ayaa dib loo bilaaway waxaana markii dambe ay noqotay mid ay ka socon weyday taageerayaasha oo bilaabay tuuryo iyadoo dhaawacyo kala duwan garoonka Muqdisho Stadium ay ka dhaceen garsooraha ayaana dhammeeyay ciyaarta oo ka harsan 15-daqiiqo.

Lama ogo waxa ay noqon doonto ciyaartan hakadka la galiyay hase yeeshee waxaa go’aan laga sugayaa xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya oo leh maamulka ciyaaraha maamul goboleedyada & gobolka banaadir.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button